25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Sawirro: Buburka iyo waxyeelada ka dhalatay qaraxyadii Hotel Dayax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay qaraxii xooganaa ee saaka lagu weeraray hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaanan wali ka hadlin qaraxa iyo weerarka xigay ee lala eegtay Hotel Dayax.

Muddo Saacad ku dhow waxaa la maqlayay rasaasta ka dhaceysay gudaha Hotel Dayax.

Ilaa shan ruux ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dhismaha Hotelka.

Qaraxa koowaad oo aad u xoogaa ayaa geystay burbur hantiyadeed, waxaana burburay dhamaan dhismayaashii ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Waxaa qaraxaasi xigay mid labaad oo loo malaynayo inuu ka dhacay Gaari NOAH ah oo ay saarnaayeen dableyda weerarka geysatay.

- Advertisement -

Read more

Local News