Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa daqiiqado ka hor lasoo afjaray howlgalkii ka danbeeyay weerar ismiidaamin iyo mid toos ahba isugu jiray oo saakay lagu qaaday hotelka Dayax ee ku yaal jidka Maka Mukarama gaar ahaan agagaarka Sayidka.
Afar ka mid ah maliishiyadii gudaha hotelka Dayax u gashay ayaa la toogtay, kuwaasi oo qaraxyadii dhacay kadib iyagoo hubeysan fursad u helay inay gudaha hotelka galaan.
Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in Shan qof oo dhintay indhihiisu ku arkay halka dhaawaca uu ku dhow yahay 40-meeyo ruux.
Weerarka hotelka lagu qaaday ayaa markii hore ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday, kadibna waxaa xigay qarax kale oo fursad u siisay dableydii hubeysnaa inay gudaha hotelka galaan.
Hotelka ayaa la sheegay in ay deganaayeen siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaano la sheegay inay ka tirsan yihiin baarlamaanka.










