Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Nugaal ayaa sheegaya in mid kamid ah ilaalada madaxweynaha Puntland oo dhintay mid kalana uu dhaawacmay.
Mid kamid ah askarta Puntland ee ilaalada u ah C/Welli Gaas ayaa dhintay markii uu ka faniinay gaariga uu saarnaa, waxaana dhaawac kale uu soo gaaray askari kale.
Inkastoo aan la xaqiijin magaca askariga dhintay, ayaa haddana falkaan wuxuu ka dhacay deegaan ku dhow degmada Qardho.
Askari kale oo ka faniinay gaariga ayaa dhaawac daran ayaa soo gaaray, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka.
Waa markii labaad oo safar madaxweyne Gaas ku tago dhulka ka baxsan laamiga ah askartiisa dhimasho soo gaarto sanadkii 2014 ayay ahayd markii madaxweyne Gaas oo sidaan oo kale isagoo safar ku marayay gobolada Puntland uu mid kamid ah askarta ilaaladiisa ah dilay askari kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

