Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada kasoo jeeda Koofur Galbeed.
Xildhibaanadaasi oo aad u tiro badan ayaa waxaa Shariif Xasan uu u gudbiyay shaqsiga ay dani ugu beel ahaan inay u doortaan madaxweynaha dalka.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu u sheegay xildhibaanada inay dib u doortaan Xasan Sheikh oo codkooda ay siiyaan.
Wuxuuna sababta ku sheegay inuu heshiis siyaasadeed uu la galay Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana kamid ah qeybsiga xukuumada la dhisi doono.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan loo balan qaaday xilal sare oo xukuumada cusub ah.
Laakiin balanqaadkaasi ka sokow waxaa jiro qasab dowladda Ethiopia ay ku qasbeyso Shariif Xasan inuu taageero madaxweynaha tallada dalka hayo Xasan Sheikh Maxamuud oo uu markii hore ka horjeeday.
Waxaan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan xildhibaanada kasoo jeeda Koofur Galbeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

