27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

BF oo ka hadlay go’aanta Trump uu ku mamnuucay Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii madaxweynaha Mareykanka uu ku mamnuucay in Soomaalida gaarto dalkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in takoorid uu sameeyay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Wuxuu sheegay in Mareykanka mar walbaa uu dhihi jiray “waan la dagaalameynaa Midab ka takoorka iyo diin isku takoorida”balse haatan aysan arintaasi dhicin.

Wuxuu u sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay go’aan adag ka qaadato arintaan.

Dhankiisa ayuu cambaareeyay falkaan, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha Mareykanka inuu fikradaasi wax ka badalo.

Wuxuu soo hadal qaaday dhibaatada iyo waxyeelada loo geysto dadka Muslimiinta ah, isagoo sheegay inay argagixiso iyaga ay maal geliyaan ugu yeereen dadka Muslimiinta ah.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaadato go’aan la mid ah midka Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News