26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Puntland iyo Galmudug oo mar kale qarka u saaran dagaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Maleeshiyaadka labada maamul oo xiisada ay u dhexeyso ayaa la sheegay inay wataan Hubka culus, kuwaa oo laga cabsi qabo inay isku adeegsadaan.

Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegayaa inay wadaan Hub uruursi, waxa ayna cabsidu tahay in Hubkaasi leysu adeegsado.

Maleeshiyaadka Galmudug, ayaa la sheegayaa in Hubka ay wataan ay qeyb ka yihiin Gaadiid dagaal, waxaana ilaa iyo hadda aan xiisadaani ka hadal labada maamul.

Geesta kale, waxaa cabsi laga qabaa in xiisadaani ay kusii faafto deegaano dhowr ah oo ay wada degaan dadka labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News