24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

R/W CC oo u dhoofay Nairobi go’aankii maxkamadda ICJ kadib

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu wakhtigiisu dhammaaday Cumar C/rashiid uu u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 24 Saac kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadi ICJ.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay xubno si dhow ula shaqeeya, waxaana la xaqiijiyay in magaalada Nairobi uu ku nagaan doono muddo kooban, sida aan xogta ku helnay maadaama maalinta Axada ah uu jeedin doono Khudbadiisa ku aadan Doorashada.

Safarka Ra’isul wasaare Cumar ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimaha Doorashada iyo Go’aanka ay Maxkamada ICJ sida hordhaca ah uga gaartay Badda Somalia.

Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in kulan Khaas ah uu la qaadan doono Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyatta oo ka mid ah Madaxweynayaasha loolanka ugu jira soo laabashada Cumar C/rashiid.

Lama oga qodobada rasmiga ah oo ay is weydaarsan doonaan Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Kenyatta oo dowladiisu ay ku hingowday Murankii ka taagnaa Badda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News