Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee Caasimada Online ayaa sheegaya in dadaalladii ugu dambeeyey ee olaha musharaxiinta madaxweyne uu socda, lana abuurayo isbaheysiyo saacaddii ugu dambeysay ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ololihiisu u muuqday mid mugdi sii galaya ayaa la kulmay musharax Cumar Cabdirashiid, ayada oo wada-hadalladan uu dhex dhexaadinayey Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon Sacaid.
Gaas ayaa ka shaqeynaya sidii beesha Puntland ay heshiis ula gali lahayd Shariif Sheekh Axmed, ayna dooneyso inuu taageero Cumar Cabdirashiid, haddii uu soo dhaafi waayo wareegga koowaad ee doorashada, ayada oo sidoo kale Cumar uu taageeri doono Shariifka, haddii isna uu ku haro wareegga koowaad.
Cabdi Weli Gaas ayaa dadaalkan wada isaga oo doonaya inuu xaqiijiyo in Puntland ay hesho ugu yaraan ra’iisul wasaare, haddii ay weyso xilka madaxweynaha.
Waxaa la rumeysnaa inuu marka hore isku dayey inuu isbaheysi cusub ka dhex abuuro Cumar Cadbirashiid iyo Xasan Sheekh, hase yeeshee xiisadda ka dhex oogan Xasan iyo Cumar oo meel xun mareysa darteed ay keentay in la isku soo dhaweyn waayo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay illaa maanta ka socday dadaallo xooggan, ayada oo la filayo in musharaxiin badan ay tanaasulaan, islamarkaana dadalladooda ay ku biiriyaan musharaxiinta ka rajo roon, halka qaar kalena ay maalinka doorashada taageeri doonaan musharaxiinta u gudba wareegga labaad.
Dadaallada iyo isbaheysiyada socda ayaa inta badan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo inaan dib loo soo dooran madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana qorshuhu yahay in musharax kasta oo wareegga ugu dambeeya la gaara Xasan Sheekh la wada taageero.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]