28 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Dowladnimo iyo Ddoorashada: Yaa bad baadin kara Soomaaliya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bill Clinton ayaa la weydiiyay in uu sifeeyo micnaha madaxweyne-nimadiiisa ay leedahay mar haddii Golihii Sharci Dejinta (Congress-ka) ay xisbigii Jamhuuriga ka qabsadeen asagoo Dimuqraadi ah, jawaab taariikhda gashay ayuu dhiibay:

“Waxaan la mid ahay sida nin qubuuro maamula, dad badan ayaa iga hooseeya, haddana qof I maqla lama arko”.

Murashixiinta Baarlamaanka la hadlay, qaarbaa balan qaaday in ay xildhibaanada Xajka geyn doonnaan, qaarbaa sheegay in ammaanka xoogga saarayaan, qaarbaa sida in ay macalimiin yihiin cashar siyaasadda iyo dowladnimada ku saabsan bixiyay, qaarbaa soo dhowaaday oo sheegay in dhaqanka siyaasadda wax ka bedelli doonnaan, nasiib darro hal qof oo keliya, ayaa sheegay in dalka uu sharciyo dhamaystiran leeyahay, laga billaabo dastuurka ilaa xeerarka laamaha dowladda, keliya loo baahan yahay in la nooleeyo, uuna dabaqi doonno. Nasiib darro waxaan u iri, qofkaasi ma ahayn aftahan dhego badan soo jiitay.

Prof. Daron Acemoglu, oo ka mid ah dhaqaalyahanada adduunka ugu caansan ee wax dhiga Jaamacadda MIT ee dalka Maraykanka iyo Professor James A. Robinson ayaa sannado badan oo cilmi baaris ah waxay ku sameeyeen dowladaha fashilmay, waxayna ku ogaadeen in mid-ba ay sabab u fashilantay.

Buugga ay qoreen oo la yiraahdo “Why Nations Fail”, waxay ku sheegeen in waxa saldhigga u ah fashilka Soomaaliya uu yahay sharciga oo aysan shacabka iyo madaxdaba midna rumeysneyn, weligeedna dowlad sharci dabaqda aysan Soomaaliya soo marin (Sawirka Hoose eeg).

Maalin hore marka uu Professor Cabdi Ismaaciil Samatar hadalka qiirada leh ee anshaxa iyo ka fogaanshaha laaluushka uu u jeediyay xildhibaanada, waxaa isla markiiba makrafoonka qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, oo yiri warkan:

“Sida uu qabo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, qofka lagu sheego laaluush wuxuu mudanayaa ciqaab xabsi iyo….” Asagoo aan hadalkiisa dhamayn, mid ka mid ah shacabka daawanayay ayaa soo qoray:

“Guddoomiye, wax meel ku qoran ee aan lagu dhaqmin ha nagu daalin ee Farmaajo hadalka sii”.

Qofka 4 sanno kadib guul sheegan kara, ma aha qofka biyo nadiif ah gobollo geeya, ma aha qofka qaraxyada hakiya, ma aha qofka maamul goboleedyada la saaxiiba, ma aha qofka AMISOM saara, ma aha qofka aan Ra’iisul Wasaare mooshin ka keennin, ma aha ma aha ma aha……. ma aha qof qabyo dhamaystira….waa qofka laga billaabo xafiiskiisa, laamaha fulinta dowladda, sharci dejinta, maxkamadaha illaa saldhigga booliska, miisleyda iyo bajaajlaha iyo hantiilaha u sammeeyo shuruuc ama soo noo nooleeyo kuwii hore, kaddibna ka dhaadhiciyo in qof walba uu ixtiraamo, loona hoggaansamo, dowladdana fuliso.

In bukaan daawo loo qeybiyo waa sammo fal ama adeeg qof xannuunsan lagu badbaadin karo, balse dowladnimo waa in la sameeyo Sharciga Daawada (Pharmaceutical Act) dalka iyo dadkana lagu dhaqo, asagaa wax badan badbaadin kara!

Haddii aan sharciga la nooleyn, qof walba oo madaxtinimada Soomaaliya ku guuleysta wuxuu madax u noqonayaa qubuuro.

Qabyona waa ay soconaysaa…

WQ: Hassan Adam Hosow

https://www.facebook.com/AdamHassanAli/posts/10154247765905544

https://www.linkedin.com/in/hassan-adam-hosow-mba-1a439b5b?trk=hp-identity-name

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News