24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

DF oo mamnuucday duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde (Sababta?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxaya xafiiska Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Jaamac Jangali ayaa waxaa lagu sheegay in DFS ay joojineyso duulimaadyada kala duwan ee Garoonka Aadan Cadde.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu duulimaad kasoo degi doonin Garoonka maalinta ay dhaceyso Doorashada oo ku beegan 8 Feb 2017.

Waxa uu sheegay in Garoonka laga qabanaayo howl Qaran sidaa darteedna aysan suuroobi doonin in maalinta Doorashada ay shaqeeyan duulimaadyada.

Docda kale, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu daadiyay eeryada Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo la sheegay inay ilaalinayaan Xarunta ay ka dhici doonto Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News