27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Murashaxiinta madaxweyne oo eedeeyn kulul u jeediyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxiinta madaxweyne ee ololahooda doorashada heerka gabogabo maraya ayaa eedeyn usoo jeediyay guddoomiyaha guddiga anshaxa doorashada Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa waxay murashaxiinta ku eedeeyeen inuusan dhexdhexaad aheyn isla markaana uu taageersan yahay murashax ka mid ah tartamayaasha xilka madaxweyne.

Murashaxiinta ayaa kula dhegan Prof. Cabdi Ismaaciil eedeyn uu hadda ka hor u jeediyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku sheegay inuu shahaadiisa jaamacadeed ee uu masterka ku qaatay kaga been sheegay taariikhda Soomaaliyeed iyo inuusan karti u laheyn hoggaaminta dalka, xiligaasi oo Sheekh Shariif u magacaabay Farmaajo ra’iisul wasaare.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa hadalkiisa intaa raaciyay markaasi inuu been ka sheegay taariikhda Soomaaliyeed iyo madaxdii Aadan Cabdulle iyo C/rashiid Cali Sharma’arke oo taariikhdoodii mugdi geliyay, sidaasi darteedna uusan wax macno ah sameyn karin Farmaajo.

Murashaxiinta ayaa hadda u muuqda kuwo ku jira dagaal xooggan oo saacadihii u danbeeyay, waxayna ku eedeeyeen Prof. Cabdi Ismaaciil inuusan wax la tashi ah la sameyn guddiga anshaxa doorashooyinka oo kaligiis tashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News