Qaar ka mida xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa xurmo daro kala kulmay ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaraddaha ee la filayo in goor dhow ay ka bilaabado doorashada madaxweynaha.
Xildhibaanada ayaa ka caroodeen sida ay ula dhaqmeen ciidamada AMISOM, kadib markii la geliyay saf dheer oo in muddo ah ay taagnaayeen qoraxda.
Qaar ka mid ah xildhibaanada falkaasi ka carooday ayaa dib ugu laabteen hoteeladii ay deganaayeen, kadib markii lagu dhex daray dad aysan aqoon u laheyn, una baqeen amaankooda.
Waqtiga doorashada loo asteeyay in ay dhacdo oo aheyd 9:00 subaxnimo ayaa dib u dhac ku yimid waqtigii loo balamay, maadaama xalay dhan ay dhaqdhaqaaq xoogan wadeen murashaxiinta iyo xildhibaanada.


