Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoolka ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha ee xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni ku qulqulaaya Xildhibaano iyo Marti sharaf kale oo ka qeybqaadan doona Doorashada.
Banaanka sare ee Hoolka ayaa waxaa dhooban Xildhibaano iyo mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo lagu wado baaritaano xoogan oo lagu kala xaqiijinaayo.
Ciiddanka wax baarayo ayaa adeegsanayo Qalab casri ah, iyo xubin kasta la baarayo, lagana reebayo waxyaabaha Eleektroonikadda ah, sida Mobayladda, Laptop-yadda iyo Kaamerooyinka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda BFS ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin in la marsiiyo Baaritaan dhinaca Ammaanka, halka kuwo kalena sheegeen inuu Baaritaankaas oo kale wax u dhimayo Xasaanadda Khaaska ee ay Xildhibaanadda leeyihiin.
Hoolka ayaa waxaa intiisa badan iminka ku diyaar garoobay Xildhibaanada kuwaa oo siyaabo kala duwan loo mariyay Baaritaano adag.
Goordhow ayaa lagu wadaa in dhanka Hoolka loo galbiyo Musharaxiinta 22 ka kooban kuwaa oo iminka ku xareysan VIP Xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni.
Dhinaca kale, Weriyayaasha ayaa soo sheegaya inay Wafuud Caalami ah goobjoog ka noqon doonaan Nidaamka Cod-bixinta ee ay Doorashadda.
Lama oga xilliga rasmiga ee ay Doorashaddu bilaabanayso, waxayna u badan tahay inay Cod-bixinta bilaabanto Salaadda Duhur kadib.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

