25 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

Musharax goordhow shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow tanaasulay Musharaxa Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo kamid ahaa Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Tanaasulka Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi, ayaa waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi, oo laga sugaayay Hoolka Doorashada ayaa inta uusan xaadirin Guddiga Doorashada u gudbiyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa.

Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi, ayaa iminka gaaray Hoolka Doorashada waxa uuna u codeyn doonaa cida uu u arko inay kasoo bixi doonto xilka Qaran maadaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan BFS.

Dhinaca kale, Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi, ayaa noqonaaya Musharaxii Seddexaad ee muddo Seddex maalin gudaheeda ku tanaasulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News