Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Madaxtooyada Somalia ka socda kulamo kala duwan oo u dhexeeya Madaxweynihii laga guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada uu wakhtigeedu dhamaaday.
Kulamada saacadihii ugu danbeeyay ka socda Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inuu yahay mid looga gol leeyahay macsalaameynta Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh.
Kulamada ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil ciidan oo qeyb ka ahaa Saraakiishii EU-da ee tababarka siiyay Ciidamada Qaranka Somalai, kuwaa oo sagootinaaya Madaxweynaha.
Wasiiro ka tirsan Xukuumada sida KMG ah usii shaqeysa iyo Siyaasiyiin ayaa sidoo kale, Xasan Sheekh uga hambalyeynaaya waxa uu qabtay Mudadii uu xilka hayay.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu xilka Qaranka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

