Xog: Qorshe hawada Somalia loogu wareejinayo dowlado shisheeye oo ka socda Canada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda ee waqtigeedu idlaaday, Cali Axmed Jaamac ”Jangali”uu wado qorsho lagu wareejinaayo Hawada Somalia.

Wasiirka Jangali oo gaaray dalka Canada ayaa lagu wadaa in 16 Bishan uu saxiixo Heshiiska lagu wareejinaayo Hawada Somalia, iyadoo Canada ay uga sii horeeyan Mas’uuliyiin iyo Khubaro ku xeeldheer Duulista Hawada oo kasoo kala jeeda dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Heshiiska Wasiir Jangali uu ku wareejinaayo Hawada Somalia ayaa waxaan ka warqabin Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo qorshaha lagu sheegay inuu yahay mid looga faa’iideysanaaya isbedelka.

Wasiir Jangali ayaa waxaa la xaqiijiyay in Heshiiska wareejinta ee 16 Bishan ka dhacaaya dalka Canada uu ku wehlinaayo Maxamed khaliif oo kamid ah Howlwadeenada Wasaarada.

Heshiiska uu saxiixi doono Wasiirka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona in Hawada Somalia iyo Qalabka lagala socdo Hawada ee qeyb kamid ah dhawaan la keenay magaalada Muqdisho la geeyo magaalada Nairobo, waxaana Heshiiskaani dhacaaya gudaha Bishaani garwadeen ka noqon doonta Dowlada Canada.

Heshiiska Hawada Somalia lagu wareejinaayo ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu soo dhameeyay Maxamed khaliif oo bilowda Bishii hore kulamo khaas ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka kala socta Dowlafaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana qorshahaani Wasiirka ku cadaadinaaya Mas’uulkaani.

Saldhiga laga maamuli doona Hawada Somalia ayaa noqon doonta Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, halkaasi oo dhowr bil ka hor la go’aamiyay in laga soo wareejiyo maamulka Hawada Somalia.

Bilowga iyo dhammaadka Heshiiskaani ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inaysan waxba kala socon Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha aan wali xilka wareejin Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Maamulka Hawada Somalia ayaa waxaa si rasmi ah u maamulan doona Dowlada Ethiopia iyadoo Saldhiga lagu heshiiyay in laga maamuli doono Hawada Somalia ay noqon doonto magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com