Xog: Khubaradii ay Ethiopia usoo dirtay doorashada Somalia oo niyad jab la laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dib uga laabtay Khubaro dhawaan ay Dowlada Ethiopia usoo dirtay Doorashada Somalia.

Khubaradaani oo tirro ahaan gaareysa ilaa 6 ayaa dib uga dhoofay magaalada Muqdisho, kadib markii qaab aan la fileynin u dhacday Doorashada Somalia oo uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 Bisha aan ku jirno.

Khubaradaani oo ku xeeldheeraa arrimaha Doorashooyinka ayey Dowlada Ethiopia usoo xushay garabsiinta Musharaxiinta ay wadatay, hayeeshee waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga galbiyay iyagoo aan laheyn mooraalkii ay maalmo un ka hor uga soo dageen Muqdisho.

Dowlada Ethiopia qura ayaa dalka Somalia usoo dirtay Xubno khubaro lagu sheegay oo indha indheynaaya Doorashada Somalia kuwaa oo dhinaca kale si gaara u dhiirigalinaayay Musharaxiinta ay wadatay Dowladooda.

Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa labadii bil ee ugu danbeysay xusul duub ugu jirtay soo saarida Musharaxiin gaara oo ay wadatay, waxa ayna tani daba soctaa guul darida Dowlada Ethiopia kasoo gaartay Doorashada Somalia ee taariikhiga aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com