Banaanbax weyn oo looga soo harjeedo Turkiga oo ka socdo Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada muqdisho si toos ah uga socdo banaanbax weyn oo ay soo diyaariyeen muruq maalatadi ka xamaan jirtay dakadda Muqdisho kuwaas oo ka cabanaayo hey’adda ALBAIRAK ee Turkiga ah tasaoo ay dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ku wareejisay maamulka Dakadda Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ah mid aad u weyn ayaa looga soo horjeedaa shaqo la’aantii soo wajahday shaqaalihii Dakadda tan iyo markii ay shirkadaan la wareegtay.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku sawiran yihiin sawirka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxayna cod dheer uga codsadeen in Turkey laga saaro soomaaliya sidoo kalana laga qaado maamulka meelaha ugu badan ee dowladda daqliga kasoo galo.

Dibadbaxayaasha ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin in Shaqaale badan oo Soomaaliyeed ay ku dhacdo shaqao la’aan waxayna rajo fiican ka muujiyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com