Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kuwait ayaa noqota dowladdii ugu horeysay oo ka jawaabto codsigii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo ahaa in si deg deg ah mucaawino loola soo gaaro dadka ku dhibaatoonayo xabaaraha dalka ka dhacay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa codsigaas u gudbiyey beesha caalamka mar uu kulan xasaasi ahaa kula qaatay waqtigii uu sida kumeel gaarka ah ugu shaqeenayey Hotel Jazeera.
Dayaaraddii ugu horreysay oo jawaab u aheyd codisgaas isla markaasna u siday Gargaar Raashin iyo Daawooyin ah dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu ku dhufteen ayaa kasoo ambabaxday dalkaasi.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait Ambasador Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga aan walaalaha nahay ee Dalka Kuwait sida ay uga jawaabe baaqii Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kuwait oo horey u gaarsiisay Madaxda Kuwait in Malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul baaxad weyn sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar deg deg ah.
Dr. Hilal Al-Saayir- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ayaa isna ka hadlay sida ay dowladda Kuweyt u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shegay iney sii wadi doonaan gacansiinta shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa dhawaan la filayaa inay diyaarado kale oo shixnado gargaar sida kasoo ambabaxaan dalkaasi Kuwayt, kuwaasoo loogu gurmanayo dadka ay abuuruhu saameeyeen .
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]