Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u magacaaby xilalkii ugu horreeyey kadib markii uu madaxweynaha dalka noqday.
1) – Agaasimaha Guud ee madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels, ninkaan ayaa kasoo jeedo Digil, gaar ahaan Tunni.
Cali Saciid Fiqi, ayaa la sheegaa inuu yahay nin aqoon leh, oo degan islamarkaana afgaaban, balse howl kar ah.
2) – Dr. Cabdirisaaq Shoole ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeynka madaxtooyada, wuxuuna kasoo jeedaa, Daarood, Leelkase.
3) – Siyaad Maxamuud Shire ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha, wuxuuna kasoo jeedaa Dhul.
4 – Xuseen Macalim Damuumiye ayaa isagana laga dhigay la-taliyaha dhanka ammaanka qaranka ee Madaxweynaha. Waxa uu kasoo jeeda beesha Murusade ee Hawiye.
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la wareegay taliska madaxtooyada ayaa sidii la filaayey bilaabay inuu magacaabo xilal cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]