Saacado gaaban oo uu joogay Villa Somalia kadib Farmaajo oo bixiyey muushaarka ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bilaabay bixinta mushaarka ciidanka saacado yar oo uu joogay madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa la siiyey mushaarkooda oo lagu sheegay $200 Dollar taasoo dhaqaaqeeda galabta laga dareemay magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska ayaa taleefoonadooda loogu shubay Lacagtaas waana tallabadii ugu horeeyey ee uu qaaday madaxwyenaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sidaan laga filaayey maadaama uu yahay shaqsi jecel ciidamada isla markaasna ballan ku qaaday inuu si joogta ah u bixin doono mushaarkooda.

Qaar badan oo ka tirsan booliska lana hadlay caasimadda Online ayaa muujiyey farxad weyn maadaama uu madaxweynaha saacado gudahood ku siiyey mushaarkooda.

hadal heynta ugu badan Muqdisho ayaa noqotay arrintaan oo lagu tilmaamay tallaabo hore loo qaaday  iyo horumar xagga ciidanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com