Xil-wareejinta kadib, Xasan Sheekh iyo qoyskiisa maxaa sugaya?

Waxaa maanta xilka iska wareejinaya madaxweynihii Xasan Sheekh Maxamud, hadaba waxaa isweydiin leh, Xasan Sheekh iyo qoyskiisa xageebay aadayaan, dowladda ma martigelin doontaa, ammaankooda mala sugayaa mise, daryeel ma leeyihiin? biilkii iyo lacagtii uu qaadan jiray ma u soconaysaa? Haddii su’aalahaasi kugu soo dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in aadan is wareerin!!

Madaxweyne Soomaaliyeed xilligan ma jiro sharci siinaya xuquuq gaar ah, waxaa uu la mid ah siyaasi shaqada ka tagay, sida wax loogu qabto waxaa ay ku xiran tahay naxariista iyo ragatinnimada uu sameeyo madaxweynaha isaga ka dambeeya!!

Xildhibaan Daahir Amin Jeesow waxaa uu leeyahay, waxaa horay u jiray sharci la hor keenay baarlamaanka federaalka ah oo madaxweynaha , ras’iul wasaaraha iyo baarlamaankaba siinaya xuquuq marka ay xilka ka tagaan ama geeriyoodaan, sharcigaasina lama meelmarin.

Xildhibaan Amin Jeesow waxaa uu intaa ku darayaa “Waxaa jira  Mas’uuliyad wadareed iyo qof xil soo qabtey in si gaar ah loo ogaado, lama dayacaayo madaxweyanahe Xasan Sheekh”

Hadaba, Waa Maxay Sharciga Horyaalla Baarlamaanka Oo Haddii La Ansixin Lahaa Ay Madaxda Dowladda Xuquuq Heli La Haayeen:

Waxaa  Baarlamaanka yaallo mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah.

Mashruucan waxaa soo diyaariyay Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada golaha shacabka si waafaqsan qodobka 69(1)(B) ee dastuurka federaalka Soomaaliya

Sharcigan waxaa uu ka hadlayaa xuquuqda iyo deeqaha ay leeyihiin Madaxweynayaasha xilka ka fariistay, Madaxweyne xilka uga fariistay caafimaad darro, Caruurta Madaxweynaha geeriyooday isagoo xil haya, Afadiisa, xuquuqda Xildhibaanada, gudoomiyayaasha labada aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare) iyo haddii caruur iyo afo ay ka tageen.

Waxaa kaloo uu ka hadlayaa Xuquuqda Ra’aisul Wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeenadiisa, guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka, caruurtooda iyo xaasaskooda, Xildhibaanada, golaha Wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.

Tusaale ahaan, waxaa ku qoran in Madaxweynaha ka dega ama is casila uu helayo 70% gunno bileedkiisa, guri dowladeed, baabuur iyo wixii la mid ah, daryeel caafimaad, hal unug oo amingiisa suga, xogheye, waxaa kaloo laga bixinayaa qarashka biyaha, labo adeege iyo Tecket-ka dayuuradda marka shaqo rasmi ah loo diro, waxaa kaloo uu helayaa kaaliye u gaar ah.

Haddii Madaxweynaha tusaale ahaan xafiiska looga fariisiyo sababo caafimaad, waxaa uu helayaa 60% gunnadisii, guri iyo baabuur , daryeel caafimaad, gaddiidka ilaalada amniga, waxaa sidoo kale la siinayaa qarashka biyaha, korintada iyo arrimo kale halka afada Madaxweynaha iyo caruurta uu ka geeriyooda ay yeelan doonaan gunno bileed, guri, baabuur, darawal, daryeel caafimaad iyo wixii la mid ah.

Guddoomiyaha golasha shacabka waxaa uu helayaa 70% gunno bileed , guri iyo baabuur, daryeel caafimaad, xogheyn iyo qasnaji iyo labo adeege, waxaa kaloo afada guddoomiyaha ka geeriyyodo la siinayaa gunno bileed, guri, daryeel caafimaad, labo adeege, waxaa laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

Ra’isul Wasaaraha xilka ka taga waxaa uu helayaa 70% gunno bileed, guri, baabuur, daryeel caafimaad, labo sarkaal iyo kharashka biyaha iyo labo adeege.

Afada Ra’isul wasaare iyo caruurta waxaa ay helayaan gunno bileed, guri, labo adeege waxaa kaloo laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

Ra’isul wasaaraha geeriyooda isagoo xilka haya waxaa la siinayaa afadiisa gunno bileed, waxaa kaloo lacag dhan 70% gunnadooddii la siin doonaa gudoomiye ku xigeenadda labada gole marka ay xilka ka dagaan.

Waxaa kaloo lagu sheegay kharashka ku baxaya aaska qaran ee Madaxweynaha geeriyooday asaga oo xilka haya, Kharasha aaska guddoomiyaha golaha shacabka ama guddoomiyaha aqalka sare oo geeriyooda isagoo xilka haya iyo qarashka aaska qaran ee ra’isul wasaaraha oo geeriyooda isagoo xilka haya.

Sharciga, waxaa uu weli marayaa akhris, lamana oga xilliga la meelmarin doono, waxaa kaloo aan la ogeyn markii la meel-mariyo, Ma waxaa ka faa’ideysanaya madaxda markaasi xilka haya iyo wixii ka dambeeya mise dhammaan madaxda xilkaasi soo martay.

W/Q: Cabdi Casis Axmed Gurbiye