25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Istiraatiijiyadda Soomaaliya ee 4 sano ee soo socota oo la dejinayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka BFS ayaa bilaabay dejinta istiraatiijiyadda shaqo ee mudada 4 sano ee nagu soo aaddan.

Golaha ayaa ku dhaqaaqay sameynta istiraatiijiyadda shaqo si Baarlamaanka Somalia uu u yeesho sharciyo ka duwan kuwii horay loogu shaqeyn jiray.

Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Somalia, ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu si rasmi ah u bilaabay qorshooyinka lagu dajinaayo istiraatiijiyadda shaqo 4-ta sano ee fooda nagu soo heysa.

”Waxaan bilownay dajinta ajandayaasha ugu horreya ee baarlamaanka, waxaan sidoo kale sameyneynaa xeerhoosaadkii ay isku maamuli lahaayeen Golaha oo lagu kabaayo kii horay u jiray”

”Xeerhoosaadka dib baa loogu noqdaa, waxna waa lagu daraa waxaan qabnaa rajo ah inaan cilad laga caban waxaana hordhigi doonaa dhammaan cida ay khuseyso si ay uga tallo bixiyaan”

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Somalia, waxa uu sheegay inay ku rajo weynyihiin inay sameeyaan sharciyo ka duwan kuwii hore, maadaama buu yiri 4ta sano ee soo socta lagu shaqeyn doono.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in nidaamka iminka u degsan Golaha uu yahay mid ay la qabsadeen dhammaan Xildhibaanada, gaar ahaan kuwa cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News