Taxane: Xiriirka cadaawadeed ee Soomaaliya iyo Ethiopia iyo halka uu ku dambeyn doono

By Asad Cabdullahi Mataan

Qeybta 1-aad: Xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia, 600 sano ka badan marna caafimaad ma helin. Mar labada dad waxay isku hayeen diin, marna colaadu waxay ahayd mid salka ku haysa dhul, iminkana waxaa labada dal ku kala cabanayaan dhinaca xag-jirnimada. Ethiopia waxay ka baqanaysaa in Soomaaliya jahaad lagaga soo qaado. Marka waxay dan mooday inay Soomaalida reer-reer u qaybiso si ay nabadgelyadeeda u sugto.Taasi xal waara ma noqonayso.

 1960 – ?

Laga soo bilaabo markii Soomaaliya gobonimada qaadatay, 1960 ilaa iminka ugu yaraan Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa dhex maray afar dagaal oo ay sababeen labada dawladood ama kooxo ay kala taageerayeen. Dagaaladaas inkasta oo ay gacan ku lahaayeen dalal kale oo dano u gaar ah watay, haddana badankoodu waxay ahaayeen kuwo ay sabab u ahaayeen Soomaalida Ethiopa. Dagaalkii dhex maray Maxkamadaha iyo Ethiopia, ma kula tahay inu noqon doono dagaalkii ugu danbeeyay ee labada dal dhex mara?

Waxaan soo maray ama aan maqlay arrimo badan oo aad moodo inay jiraan dad badan oo jacayl u haya Ethiopia. Dad muddooyin badan ku noolaa, xiriir fiicana la leh dalka Ethiopia, waxay sheegaan inay doonayaan inay labada dal yeshaan xiriir ‘Confederation’ oo ay hal dal noqdaan oo ay samaystaan lacag isku mid ah, hal ciidan iyo siyaaso debedeed oo mid ah. Waxaad mooda inay leeyihiin , “Haddii aan labada dal israacin, cadaawadda xal loo helimaayo.”

Dhinaca kale sida ku cad buugga uu qoray ninka la yirahdo Ato Dhamise Tafara oo muddo dheer ahaa la taliyaha arrimaha Soomaaliya ee Ethiopia, isla markaasna muddo dheer maamuli jiray “Soomaali Galbeed”, wuxu sheegay in Soomaalida la baxday “Somaliland” ay doodayaan, “Inay Ethiopia jacayl badan u hayaan oo intooda badan ay dhaleen hooyooyin Ethiopian ah. Waxay kale oo doonayaan inay Ethiopia ku darsamaan meesha lagu celin lahaa Soomaaliya.” Sida ay sheegayaan dad u warhaya siyaasadda Ethiopia, inkasta oo dadka la baxay “Somaaliland” ay codsigaa u gudbiyeen madaxda Ethiopia, jawaabta la siiyay waxay ahayd,  “Soomaaliya oo isku dhan hadday Ethiopia soo raacayso waxba kama qabno.”

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in barlamaankii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya isku raacay in arrimaha gobolka Soomaaliyeed ee Ethiopia uu khuseeyo dadka halkaas ku dhaqan oo Soomaaliya iminka wixii ka danbeeya ayan faragelin ku samaynayn.

Ka dib markii uu diiday Madaxweyne Adan Abdulle Osman inu saxeexo “jaartarkii” lagu asaasay Ururka Midowga Africa , magaalada Qaahira, isaga oo ku doodaya in aan la aqbali karin xuduudada Africa gumaysugu u sameeyay iyo in dad iyo dal ka maqanyahay, bey Ethiopia 1964 dagaal ku soo qaaday dalka Soomaaliya oo markaas xornimadisii qaatay. Markiiba waxaa dagaalkii soo dhex galay UN-ka iyo OAU-da oo joojay. Waqtigaas ilaa 1975, inkasta oo dagaal qaboobi labada dal ka dhex socday, dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliyeedna ay ku dadaaleen inay isu kenaan shanta Soomaaliyeed, haddana xirriirka labada dal xuxuu meeshii ugu xumayd gaaray waqtigii Madaxweyne Mohamed Siyad Barre iyo Mengist Haile Mariam oo labada dal kala xukumayay. Madaxweyne Mohamed Siyad Bare iyo dawladihii ka horeeyay ee Soomaaliyeedba waxaa hoggaaminayay dareenkii Soomaalidoonka ahaa ee uu abuuray halggankii Sayid Mohamed Cabdulle Xasan iyo ururkii SYL.

Dawladii Madaxweyne Siyad waxay aamminsanayd inay jirto colaad ay u hayaan Ethiopia iyo Kenya iyo dawladaha ay xulifada yihiin. Waxay markii ay dhallatayba xiriir sokeeye la yeelatay dawladii Midowga Soofeeti. Waxay dhistay ciidan ku qalabaysan dayaaradaha dagaalka, taankiyo, iyo hubka culus oo aad uga xoog badan ciidankii Ethiopia. Dadka qarkii waxay ku doodayeen inuu ahaa ciidanka ugu xoogga badan Africa.

Markii uu bilowday dagaalkii 1977-78, sida ay qoreen dad u war hayay ciidamada laba dal; ciidamada Soomaaliya waxay ahaayeen 50,000, wata qalab casri ah, tababar fiicana leh. Waxay qorayaashaasi intaas ku darayaan in ciidamada Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Jabhadda Oromona ay gaarayeen 75,000. Labada marka lasku daro Soomaaliya waxay soo saftay 125,000 ciidan gaaraya. Inkasta oo ciidan ahaan Soomaaliya diyaar ahayd, haddana khaladka ugu weyn ee ay gashay waxay ahayd iyaga oo iska ilaaway xirriirka caalamiga iyo danaha dawladaha adduunka ugu xoogga badnaa lahaayeen.

Waxay kale oo aysan tixgelin siin ahmiyadda Ethiopia oo dadkeedu ka badnaa 80 milyan, oo masiixi xukumo ay u leedahay dalalka Reer Galbeedka. Waxaan kale oo u qiyaasnayn misaanka 10 milyan oo Soomaali ahi u leedahay Midowga Soofeeti oo           doonayay inu Africa ka helo dal weyn Soomaaliya oo uu mabda’iisa ka faafiyo.

Waa socotaa….. la Soco qeybta Xigta Berri 1:00 Duhurnimo xiliga geeska Africa Inshaa Allaah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com