Sawirro: Farmaajo oo qaaday talaabadii ugu horeysay ee muujineysa madaxweynenimadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowladda Britain David William Concor.

Danjiraha uu Madaxweynaha ka gudoomay warqadaha ayaa bedelay Safiiradii hore ee dalkaasi u fadhiyay Somalia.

Danjiraha Cusub ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray Doorashada Somalia ka hor, waxa uuna intaa u xayirnaa Madaxweynaha warqadaha ka gudoomi lahaa.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay warqadaha aqoonsiga ka guddoomo Safiir.