Dalka ugu horreeya ee Farmaajo uu booqan doono la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdulaahi Maxamed, madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaalkiisa ugu horeeyo ku tagi doono dal kamid ah kuwa ku yaala qaaradda Asia.

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Farmaajo safarkiisa ugu horeeyo uu ku tagi doono dalka Sacuudiga, iyadoo ujeedada ay tahay Cumreysi iyo Duco.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarkaasi uu ka shaqeeyay Daahir Maxamuud Geele, safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga.

Waxaana dhacaya marka uu tago dalkaasi, kulamo uu la qaadanayo saraakiisha dowladda sacuudiga iyo boqorka dalkaasi oo balanqaad u sameeyay dowladda cusub.

Dowladda Sacuudiga oo daneyneysa arimaha Soomaaliya ayaa masuuliyiinta dalkaasi waxay xiriir dhanka qadka telefoonka ay lasoo sameeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Socdaalkaasi ayaa noqon doona sida qorshaha uu yahay mid kamid duwan madaxdii hore ee Soomaaliya oo socdaaladooda koowaad ka bilaabi jiray dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Ethiopia ay ugu horeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com