Xog: Imisa Madaxweyne ayaa kasoo qeybgalaya caleemasaarka Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacdo munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa waxaa aad u hadalhaya warbaahinta caalamka, waxaana la saadaalinayaa inay kasoo qeybgali doonaan Madax farabadan oo heer caalami ah.

Madaxweynayaasha la saadaalinaayo inay kasoo qeybgalaan Caleemasaarka ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta oo kasoo qeybgalkiisa kadib kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa lagu wadaa in Caleemasaarka uu usoo dirsado wakiil uga qeybgala, waxaana suuragal ah inuu soo kordhiyo wakiilada maadaama miisaankiisa uu meesha ka maqan yahay.

Madaxweynaha Dowlada Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa kamid noqon doona Madaxweynayaasha kasoo qeybgali doona Caleemasaarka Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dowlada Ethiopia ayaa la sheegayaa inay ka cudur daaratay ka qeybgalka, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn oo wakhti danbe ogolaaday inuu kasoo qeybgalo Caleemasaarka inkastoo uu jiro shaki ku aadan kasoo qeybgalkiisa.

Caleemasaarka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgali doona Wakiilo matalaaya Madaxweynaha Sudan Cumar Al-bashiir, maadaama uusan isaga imaankarin magaalada Muqdisho xaalado amni aawgood.

Waxaa kamid noqon doona Diplumaasiyiin heer caalami ah kuwaa oo saaxiib dhow la ah Dowlada Somalia, iyadoo ujeedka uu yahay inay ka faa’iideystaan Dowlada Cusub iyo la kulanka Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Dowlado kale ay kamid noqdaan Dowlada kasoo qeybgalaaya Caleemasaarka kuwaa oo soo dirsan doona Wasiiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com