Xog-warran: Villa Somalia oo been abuur ku af-billaabatay

War shalay ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa buunbuunis loogu sameeyey shaqsiyaadkii uu sida ku meel gaarka ah ku magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

In kasta oo madaxweynaha uu u madax banaan yahay inuu magacaabo cidda uu doono, haddana ma ahayn in kooxda warfaafinta u qaabilsan madaxweynaha ay shacabka usoo bandhigaan wax aan jirin.

Warka villa-du soo saartay ayaa lagu sheegay in ragga la magacaabay, si gaar ah la-taliyaha amniga qaranka ay haystaan shahaadooyin jaamacadeed iyagoon sheegin jaamacadaha ay shahaadooyinka ka qaateen, taasoo ah been abuur iyo ka been sheegid xaqiiqada jirto.

Adduunka kama dhicin waxaan haystaa shahaado hebel, balse ma sheegayo halka aan ka qaatay.

Dadka la magacaabay inta badan waxaa ka dambeeyey Fahad Yaasin, oo hadda Farmaajo ugu jira booskii uu Faarax Cabdulqaadir ugu jiray Xasan Sheekh Maxamuud. Fahad waa ninkii dalka Qadar ka keenay lacagta labada milyan ah ee Farmaajo lagu doortay.

Magacaabista saraakiisha sare ee Villa Somalia, sida agaasimaha, baratakoolka iyo la-taliyaha amniga qaranka, ayaa dadweynaha ku dhalisay inay is-weydiiyaan, Haddii la magacaabayo dad taageera Itoobiyaanka ma ahayn in shacabka been loo sheego oo lagu kiciyo GABRE HA NAGA BAXO, waxay dadku is weydiinayaan sow ma ahan nimankii Gabre u shaqeyn jiray nimanka la geeyey madaxtooyada, si gaar ahna Siyaad Maxamuud Shire.?

Afarta nin ee uu madaxweynaha sida ku meel gaarka u magacaabay ma ahan niman sumcad ku leh bulshada, waxaa looga bartay u adeegga Itoobiya iyo ka ganacsiga dhiiga dadweynaha.

Caasimadda Online waxay u taagan tahay inay u adeegto bulshada kana qabato dhagarqabayaal uga been sheegta noloshooda oo marin habaabiya is bedelkii la sugayey. Madaxweyne Farmaajo, waan taageereynaa 100%, waxaase looga fadhiyaa inuu ka fiirsado dadka uu magacaabayo kuna soo xusho aqoon iyo hufnaan, hadii kale waxba kama duwanaan doono dowladihii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com