Xaaska Mugabe oo arrin ka yaabisay dunida soo jeedisay

Harare (Caasimada Online) – Marwada u dhaxda Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa sheegtay in Mugabe uu u tartami karo Doorashada la filaayo inay dhacdo sanadka soo socda.

Grace Mugabe oo 51 jir ah, ayaa sheegtay in Madaxweyne Mugabe uu tartamikaro xitaa isagoo Meyd ah, waxa ayna hadalkaasi ka sheegtay xili ay la hadleysay Taageerayaasha Mugabe.

Grace Mugabe, waxa ay sheegtay in Mugabe uu leeyahay awood Siyaasadeed isla markaana sababta ay hadalkaasi u leedahay uu yahay in Mugabe ay jecelyihiin dhammaan Shacbiga Zimbabwe.

Grace Mugabe ”Robert Mugabe waa shaqsi tartamikara xitaa isagoo Meyd ah, waayoo waxa uu kasbaday shucuubta dalkeena waxaan taageerayaasha u sheegayaa in Robert Mugabe uusan ka dhici doonin kursiga Doorashada soo soctana uu u taagan yahay”

Madaxweynaha 92-sano jirka ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa soo maamulayay Zimbabwe tan iyo dhamaadkii xukunkii gumaysiga cadaanka ee 1980 ka dib markii dagaal qadhaadh uu dhex maray.

Xisbiga talada haya ayaa mar kale taageeray in Robert Mugabe uu mar kale u istaag doorashada sanadka soo socda.

Robert Mugabe oo da’ ah ayaa ku raja weyn in mar kale uu maamulo dalkiisa isagoo ku doodaaya inuu yahay mid waxbadan ka qabtay xaalada dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com