Odayaal dhaqmeed hal arrin u jahwareeriyay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Xilka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa saf ugu jira beelo dhowr ah oo haminaaya in lagu tijaabiyo Ra’isul wasaaraha kuwaa oo ku doodaaya inaanu xil fiican ka qaban Dowladihii tagay.

Beelaha baadi-goobka ugu jira xilkaani ayaa soo wakiishay Odayaal ku xeel-dheer Siyaasada kuwaa oo Madaxweynaha u gudbinaaya dalab la xiriira in sanadkaani lasiiyo xilka.

Odayaashaani ayaa la soo warinayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Madaxweynaha si ay u hantaan xilka, iyadoo arrintaani uu culeys ka muujinaayo Madaxweynaha oo isaga xilka la baadi-goobaaya shaqsi uu hubo waxqabadkiisa.

Odayaasha oo kala matalaaya beelo kala duwan ayaa Madaxweynaha u sameynaaya ballanqaad, hayeeshee Madaxweynuhu waxaa u muuqda ka fiirsashada cida uu xilkaasi u magacaabayo.

Xilka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa ku loolamaaya ilaa 7 Musharax oo u taagan qabashada xilka, balse waxaa la saadaalinayaa inay ugu cadcadyihiin 3 Musharax oo si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha iminka la doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tiigsanaaya go’aankiisa la xiriira inuu soo dhisi doono Xukuumad ka tayo badan kuwii hore waxa uuna ku celceliyay inuu ka fogaan doono isqabsi dhexmara isaga iyo cida uu xilkaasi ku maamuusi doono.

Si dhab ah looma saadaalinkaro cida uu magacaabi doono Madaxweynaha inkastoo ay jiraan shaqsiyaad loo saadalinaayo qabashada xilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com