Sawirro: NISA oo soo bandhigtay gaarigii dadka ku laayay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay gaarigii lagu fuliyay weeraradii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaarigaani oo noociisu yahay HOHA, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada NISA oo falka kadib baadi-goob u galay qabashada gaarigaasi.

Dilalka lagu fuliyay Gaarigaani NOHA-da ah ayaa waxaa kamid ahaa weerarkii lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Xasan dheere iyo dilka Afhayeenka hore maamulkii Ximan iyo Xeeb.

Falka kadib ayaa waxaa Gaarigaani xogtiisa Ciidamada NISA la wadaagay dadka shacabka ah ee magaalada Muqdisho, xili ay Ciidamadu ahaayen kuwo ku howlanaa baadi-goobka gaariga.