Dib u dhac ku yimid qorshaha doorashada madaxweynaha Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Maanta ayaa horey loogu asteeyay inay ku dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, maadaama dhawaan codka kalsoonida uu waayay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in maanta aysan jirin doonin doorasho ka dhaceysa Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed ayaan wali Aqbalin xilka qaadis ay ku sameeyeen xildhibaanada Galmudug.

Waxaana uu horey uga codsaday xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay eegeen dhibaatooyinka ka jira deegaanada Galmudug oo aysan sameyn wax doorasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com