Farmaajo dib ma usoo celin doonaa xiriirka Somalia iyo Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka Somalia ka dhashay Dowlad ka duwan kuwii hore ee ku xirnaan jiray Dowlada Ethiopia ee mudada fog cuuryaamineysay Hormarka Somalia.

Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa goorsii horeysay sheegay in Dowladiisu ay dib usoo nooleyn doonto xiriirkii Somalia kala dhexeeyay Dowladaha africa.

Dowladihii soo maray Somalia ayaa xiriirka Dowladaha africa ku xiray Dowlada Ethiopia iyo Kenya oo la rumeysan yahay in dhulal baaxad weyn ay ka heystaan Somalia kuwaa oo mar waliba ku taama cuuryaaminta Qaranka Somalia.

Dowladaha xiriirka fog uu kala dhexeeyay Somalia, ayaa waxaa kamid ahaa Dowlada Eritrea oo iminka heysa qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 5,000 kuwaa oo qaarkood la sheego inay qaateen dhalashada dalkaasi, waxa ayna sidoo kale nolol ahaan la siman yihiin muwaadiniinta dalkaasi.

Dowlada Eritrea ayaa jartay xiriirka Somalia tan iyo markii Dowlada Ethiopia kusoo duushay Somalia isla markaana u adeegsatay quwado kala duwan, iyadoo sababta lagu sheegay in Eritrea ay Caalamka u ifineyso waxa ka jira Somalia.

Madaxweynaha dalka Ereteria Isais Afewerki, ayaa goor sii horeysay sheegay in Dowladiisu ay ka madaxbanaan tahay waxa ka socda dalka Somalia, isagoo faramuuqay in Dowlada Ethiopia ay ku taameyso inay gumeysato Somalia.

Isais Afewerki, waxa uu sheegay in Dowladiisu aysan daawan karin ficilada ay Ethiopia ka dhexwado Somalia, sidaa darteedna ay go’aansatay inay jarto xiriirka Somalia, si aan loogu aaneyn tacadiga ay Ethiopia ku heyso Somalia.

Mar wax laga weydiiyay Isais Afewerki dib usoo celinta xiriirka kala dhexeeya Somalia, ayuu sheegay in Dowladiisu ay aaminsan tahay inay xiriir dhow la sameynkarto Somalia, hayeeshee uu imaan doono xiriirkaasi goortii ay Somalia ka xurowdo Gumeysiga Ethiopia oo si muuqata gacanta kula jirta umuuraha Somalia.

Isais Afewerki, waxa uu sheegay in Dowladiisu ay ku taameyso inay soo celiso xiriirka kala dhexeeya Somalia, balse waxa uu xujo ka dhigay in marka hore ay Somalia noqoto mid xor ah oo yeelata Madaxweyne daacad u ah Umadiisa.

Amni darida ka jirta Somalia ayuu sheegay inay kaalin weyn ku leedahay Dowlada Ethiopia iyo guud ahaan ciidamada AMISOM waxa uuna carab dhabay inaanu Somalia noqon doonin Dowlad muuqata haddii aysan iska qaban Ethiopia isla markaana iska saarin ciidamada AMISOM.

Waxyaabaha u sababta ah jaritaanka xiriirka labada dal ayuu ku sheegay inay tahay in Dowlada Eritrea aysan soo dhaweyn ka helin Dowladihii hore ee Somalia isagoo sababta ugu weyn ka dhigay in casharada ay ka meyrsaneyso Dowlada Ethiopia.

Dalka Somalia ayaa waxaa ku nool Qowmiyada Eritrea oo ay iska dhaleen Soomaali iyo Eritrea kuwaa oo marka la’eego Dastuurka Somalia xuquuq ku yeelanaaya Siyaasada Somalia, balse waxa ay u muuqaneysaa in xuquuqdooda ay ku waayen xiriir xumida ka dhexeysa labada dal.

Geesta kale, Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inuu dib usoo celsho xiriirka lumay ee Somalia kala dhexeeyay Dowlada Eritrea iyo Dowladaha kale ee aan iminka muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com