Xog: Xasan oo go’aan ka gaaray nooca guri ee uu ku noolaanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo un ka hor wareejiyay xilka Madaxtinimo ee Somalia kadib markii 8 Feb 2017 looga guuleystay Doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud oo iminka ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa deegaan ku noqday Guri ku yaalla dhabarka danbe ee Godka Jilacoow halkaasi oo uu ka kireystay Guri aad u weyn.

Xasan Sheekh oo ka degay xilka ayaa iminka amaan u arka inuu kusii noolaado magaalada Muqdisho, gaar ahaan Guriga uu ka kireystay eeryada Jilacow.

Xasan Sheekh oo xiligaani kamid ah Hagaamiyayaashii dalka soo maamulka ayaa magaalada Muqdisho ku nagaan doona muddo kooban waxaana lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Tanzania oo ay degan yihiin Carruurtiisa, si uu uga nasto Siyaasada jahwareerka laheyd oo uu ku dhexjiray 4 sano ee lasoo dhaafay.

Carruurta Xasan Sheekh oo ka kooban laba Bah ayaa kala degan dalalka Tanzania iyo Turkiga, halkaasi oo la sheegay in qudhiisa uu ku wajahan yahay si uu usoo qaato 6 bil oo nasiin ah, isagoo intaa kadib kusoo laaban doona magaalada Muqdisho, si uu uga qeybqaato dhismaha Dowlada cusub.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo markii laga qaaday xilka deegaan ku noqday magaalada Muqdisho, halka kuwii ka horeeyay ay ahaayen kuwo dalka ka safra goorta ay xilka wareejiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com