Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Arbaco oo ku beegan 22 bisha Feberaayo, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Caleema-saarka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgali doona Madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal dhowr ah, kuwaa oo la filaayo in Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo la qeybsadaan farxada.
Xil. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada Caleema-saarka ayaa sheegay in munaasabada ay kulmin doonto Madax farabadan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in munaasabadaani ay lamid tahay kuwii hore isla markaana aysan wax ka duwanaan doonin Caleema-saarkii 2012-kii ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo mida hada Madaxweyne Farmaajo.
Hoolka ay ka dhaceyso munaasabada ayaa waxaa hadda ku sugan Guddiga qabanqaabada iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo ku guda jira qabanqaabadii ugu danbeysay.
Hoolka ayaa waxaa sidoo kale, ku sugan Khubaro dhanka amaanka ah kuwaasi oo baaritaan xoogan ku haya goobaha loo diyaariyay Madaxda kale ee Afrikaanka ah, waxaana lagu wadaa in goordhow ay bilaabato Munaasabada.
Munaasabadii caleema-saarka Xasan Sheekh Maxamud ee la qabtey 16/09/2012 ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jabuuti, Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga, Ra’isul wasaare ku-xigeenka Yugandha, Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Qadar, Lataliyaha madaxweyanah Suudan, Gudoomiyaha Midowga Africa, Wakiilka Qaramada Midoobaye ee Soomaaliya, Wakiilka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Ururka IGAD, Midowga Yurub iyo marti sharaf kala duwan.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

