Faallo: Fursad intee le’eg ayuu haystaa madaxweyne Farmaajo?

By Asad Cabdullahi Mataan

Ugu horrayn Ilaahay baa mahad leh abaartana Allaha naga saaro, xukuumadda cusub oo bilowga ahna tii guulaysata Eebbe ha ka yeelo oo aysan ummadda hiyikacday ku hungoobin, hanka loo qabana Allaha aqbalo. Intaas dabadeed waxaan rabaa inaan halka ku soo gudbiyo faallo ku saabsan sida ciwaankaba ka muuqata bal wixii fursad ah oo la is oran karo madaxweynaha cusubi waa uu haystaa iyo xukuumaddiisu. Markii aynu haddaba taas hore u sii dhexgalno oo aan kow iyo labo niraahno, waxaa markiiba la oran karaa fursadda koowaad ee uu haystaa waa in loo doortay meeshii ugu sarraysey masuuliyadaha dalka, hoggaamiyihii ummaddana laga dhigay. Fursaddiisa labaadna waa in ay ummaddii soomaaliyeed oo dhammi isku si ugu istaagtey oo u taageertay yar iyo weynba, iyadoo la jidbaysan yahay oo aad mooddid in dadka xag Alle wax looga sheegay, loona wada egyahay ninkii ku khafiifay ar-Farmaajo ha la ii geeyo.

Waa yahay, haddaba markii ay labadaasu sidaas yihiin maxaa kale oo la sheegi karaa oo fursado uu madaxweynuhu haysto ah, maxaase caqabado jira ah oo iyaguna meesha yaal? Inta aynaan haddaba ka jawaabin su’aalahaas aan soo hormarinno maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd: “wiil jiilaal dhashay waa reerkiisa wax la qabe” taasoo uu macnuhu yahay kolleyba jiilaalku waa taabanayaa si kastoo loogu roonaan lahaaba, waana isla sidaas ee maamulkeenna cusubna wuxuu isaguna ku soo beegmay iyadoo ay soomaaliya hayaan labo jiilaal oo dar-daran, ama aanba iraahdo laba abaarood oo kala daran ahna abaarta burburka iyo dawlad la’aanta iyo abaarta kale ee iyaduna inaku habsatay waayadaan danbe oo dhan.

Muddadii dheerayd ee burburka lagu soo jirey soomaaliya waxaa dhaqan-burburkeeda siyaasadeed ka mid ahaa oo wax caadi ah noqday in ninkii masuul ka noqda meel ka mid ah xilalka dalka -meeshii ay doontaba ha ahaatee- uu labo midkood noqdo ninkaasu; inuu noqdo nin aan Alle iyo aakhiro iyo ummaddiisa midna dan ka lahayn waxna iska gurta inta uu meeshaas joogo, markii laga qaadana isaga taga isagoo xashintiisii ku aruursaday wixii ay gacantiisu gaartay; iyo inuu noqdo nin waddani ah oo daacad ah laakiin la mid ah qof afartii addin laga xiray oo haddana la leeyahay kac oo wax qabo, haddii aadan wax qabanna denbiilaa tahay iyo wax la yaso oo aan qiimo lahayn. Sababaha keenayey in labadaas midkood la noqdana waxaa ugu weynaa burburka duruufihiisa iyo caqliga qabyaaladda.

Waxaa kulmayey dalkii oo dhulka yaal ajnebina galoo-baxayo oo shanta kula jiro, waxwalbana ay baabba’een wax nidaam ah oo la dhawrayaana uusan jirin, qofka madaxda laga dhigayana aan wax gacantiisii ku jiraba la arag ee magac uu ku yeeray uun oo la yiri waxaas iyo waxaas baa tahay oo lagaa dhigay. Yacni haddii aad waddani tahay dalkiisa u daacad ah xilna laguu magacaabay iyo masuuliyad magac keliya ah oo maran, awoodimaysid markaas inaad wax qabatid, sidoo kalena awoodimaysid inaad xilka iyo masuuliyadda magacooda ku qaraabatid oo ummaddaadii ku dhiigmiiratid oo taasna dammiirka ayaan kuu oggolaanayn.

Waxaa iyaduna ka sii daran waxaas oo dhanba caqliga qabyaaladda oo dadkaan meesha la isugu keenayo oo xilalka loo magacaabayaba, ninba qabiil baa soo dirsaday oo uu meesha u joogaa ee ma uu aha nin dal iyo ummad dhex u ah mana aha nin uu xukumo ama hoosyimaada kan ka sarreeya ee qabiilkiisii buu hoostagaa, waxayna u badan tahay in kuwii soo dirsaday oo qoyskiisa ahaa ayba ku soo xuleen inuu yahay nin nahaab ah oo wax soo fullaaxsan kara ciddana wax u keeni kara waxna u soo dhicin kara!!

Intaas oo dhan ka dib ayaa waxaa weli sii harsan ajnebigii dalka faraha kula jirey oo mushkulddiisa qaybta ka ahaa laakiin noo sheegayey inay noo dhicinayaan geelii ay iyagu dhaceen oo xaggooda ku maqnaa, iyo kuwii iyaguna dagaalka wadey oo xukuumaddii timaaddaba ay is-hardiyayeen, tii ka horreyseyna ay mashaqadooda ka dhaxlaysey. Waxaas oo dhan oo haddaba meesha wada yaal, dayacii iyo nololxumadii ummadda haystayna ay sidoodii yihiin in wax laga qabtana laga sugayo xukuumadda. Sidaas markii ay xaal iyo xaajo yihiin xaaladdii dalkuna taas tahay, maamulladii dawlad-goboleedyada ee dhegaha la’aana ay iyaguna halkeer farfadhiyaan iyagoo lagu xamanayo inay ajnebigana maqli ogyihiin oo u debacsan yihiin, danaha dalkooda iyo dadkoodana ka dhega culus yihiin.

Intaas markii aynu halkaas dhigno ayay noqonaysaa in markaas la soo barbardhigo labada fursadood ee aan kor ku soo xusnay oo aynu niri madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ayaa haysta, ahna in loo doortay masuuliyaddii kore ee dalka iyo in dadweynihii ay la jiraan oo taageersan yihiin. Anigu waxaan haddaba qabaa in wax kasta oo kale oo dhib ah oo jiraba ay taageerada dadweynuhu ka miisaan culus tahay kana adag tahay dushana ay ka mari karto, waase haddii dareenka dadweynaha, qiirada shacabka iyo hiyikaca ummaddu ay helaan hagid iyo liishaanka u qabasho sugan oo fadhida. Soomaaliya waxa ay u jabtay waa iskhilaafka gudaheeda, haddii uu shacabkeedu mar israacana suunaami oodda soo jabsatay weeye, cid xuquuqdooda ka hayn kartaana ma jirto dhowe iyo foge toonna.

Farmaajana waxaa la gudboon oo inuu waxwalba oo kaleba ka hormariyo ay tahay, inuu kala doorto horta laba arrimmod oo tan hore ay tahay: inuu noqdo nin kacdoon ummadeed hoggaaminaya oo carro-rog ku samaynaya dhaqanxumadii jirtey oo dhan, ummaddii oo dillaamaysana dusha ka marinaya oo jiirsiinaya caqabadaha iyo xannibyada; iyo tan labaad oo ah: inuu noqdo nin siyaasi-maalmeed ah oo waxa yaal iyo sidii jirtey maamulaya, 4.5-kii iyo hilib-doofaarkii la qaybin jireyna qaybinaya, maalin iyo habeenna u soo fadhiya inuu dhegaysto: annagoo odayaashii reer hebel ah iyo beel hebla waxaan kuugu nimid.. annagoo ku taageernay markii lagu doortay waxaan kuugu nimid.. annagoo TV-ga ka hadallay cid walbana ogayd inaan kula jirno waxaan kuugu nimid.. annagoo meel walba na la ka arkayey waxaan kuugu nimid.. .. marka waxaan kaa rabnaa oo kuugu nimid…  marka waxaan kaa rabnaa oo kuugu nimid.. marka waxaan kaa rabnaa oo kuugu nimid.. waxaas oo aan dhammaad lahayn ee habeen iyo maalinba joogto ah wax ka siyaadayana aan la arag iyo wax laga gaarayo toonna.

Ugu danbayn waxaan ku talinayaa inaan looba baahnayn sideedaba jagooyin iyo xilal la qaybiyo ee loo baahan yahay oo keliya sidii ciidan adagna loo dhisi lahaa, xulkii waddaniyiinta soomaaliyeedna la isula raadin lahaa rag iyo dumarba meel ay jiraanba, si ay aragti isku mid ahna u wada qaataan dabadeedna dalka daafihiisa oo idil uga hawlgalaan ummaddana u dhaqaajinayaan. Xukuumadda cusubi waa inay labadaas meelood ku bixisaa wixii dhaqaale ah oo ay heli karto, waxkasta oo kalena dib isaga dhigtaa intii suurtagal ah. Soomaaliya ha noolaato Ilaahay baana mahad leh.

W/Q: Cabdirisaaq Cabdi Daad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid