Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in Gudaha Asbuucaani uu kulan degdeg ah la qaato Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha kala hadli doona dhismaha Dowlada cusub, Saami qeybsiga iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayen Dowlada Cusub.
Madaxweynaha waxa uu Odayaasha ka dalban doonaa inay ku qancaan Saami qeybsiga iyo Isbedelka Siyaasadeed ee uu doonaayo inuu ka hirgaliyo dalka.
Waxyaabaha uu sida qotoda dheer kala hadli doono ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Magacaabida Ra’isul wasaaraha cusub iyo Sifaadka uu ku doortay isagoo xooga saari doona ka dhaadhicinta inay la shaqeeyan Rw Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Odayaasha Beelahaasi hordhigi doona Kuraasta ay ku yeelan doonaan Golaha Wasiirada iyo ballanqaadyo dheeri ah oo ilaa iyo hadda aan la shaacin waxa ay kala yihiin.
Lama oga waxa uu noqon doono go’aanka Odayaasha inkastoo Beelaha qaar ay dhaliilsan yihiin sida degdega leh ee uu Madaxweynaha ku magacaabay Ra’isul wasaaraha Cusub Xasan Cali Kheyre.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

