Imisa lacaga ayay Kenya ku bixisay fashilinta kiiska badda Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu eedeynayaa in Kiiska Badda Somalia ay u adeegsaneyso dhaqaale xoogan oo lagu burburinaayo Kiiska iyo Guulaha hordhaca ah oo Somalia ay ka gaartay Dacwada.

Bile Salaad Diini oo ka tirsan BG oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay bilowday bixinta lacago laaluush ah, waxa uuna farta ku goday in laaluushkaasi loo adeegsanaayo burburinta Kiiska Dacwada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay iminka bixisay lacago hordhac ah, isla markaana ay wado qorsho lagu dhameystiraayo bixinta lacagaha ku harsan.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in Dowladda Kenya lacag dhan 8-10 Million dollar ay ku bixisay Kiiska Dacwadda Badda, si Kiiskaasi loogu rogo Somalia.

Xildhibaan Bile Salaad Diini ayaa sidoo kale, xaqiijiyay in Dowlada Somalia ay muujineyso habacsanaan waxa uuna ku baaqay in fiiro gaara ay u yeeshaan talaabooyinka qarsoodiga ah oo ay qaadeyso Kenya.

Ujeedka Kenya ayuu sheegay inuu yahay in Badda Somalia ay ka gurato kheyraadka ku jira, waxa uuna arrin la yaab leh ku sheegay heerka uu gaarsiisan yahay damaca Kenya.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo ka duwan kuwii hore, waxa uuna cadeeyay inay jiraan dhagaro kala duwan oo lala damacsan yahay Badda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com