Xasan Cali Kheyre oo la kulmay xildhibaanada beelaha HAWIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Soomaaliya ee aan wali helin codka kalsoonida baarlamaanka ayaa la kulmay xildhibaanada beelaha Hawiye.

Kulankaan ayaa wuxu ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya waxaana xaadir ahaa inka badan 50 xildhibaan oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Xildhibaanada ayaana balanqaad u sameeyay Xasan Cali Kheyre, iyaga oo sheegay inay si buuxd au taageerayaan ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Xildhibaanada qaarkood oo kulankaan ka qeyb galay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay balanqaad u sameeyeen, iyaga oo sheegay inay garab istaagi doonaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada ay u balanqaadeen xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa kulamo isdaba joog ah la yeelanaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Waxaana uu doonayaa inuu ka helaa codka kalsoonida si uu usoo dhisaa xukuumad cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com