26.2 C
Mogadishu
Thursday, June 11, 2026

C/kariim Guuleed oo iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu xilkaasi ka tagay, uuna guul u rajeynayo maamulka Galmudug.

Waxaana la sheegayaa in sababo la xiriira dhanka caafimaadka uu iskaga casilay xilka madaxweynaha Galmudug.

Guuleed oo qaliin dhanka wadnaha galay sanadkii hore ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga deyrinayay xaaladiisa dhanka caafimaadka.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxay sheegeen inay codka kalsoonida kala laabteen.

Guuleed oo saaxiibo dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xafladii caleemo saarka madaxweyne Farmaajo uga maqnaa arimo la xiriira caafimaadkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News