Document: Boorsaani iyo ganacsato boob ku haayo dhulalkii danta guud ee haray

Muqdisho (Caasimada online) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato ayaa isu baheystay bilihii u danbeeyay boobka hantida qaranka iyo dhulalka danta guud, waxaana dhulkii ugu danbeeyay ee uu bixiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku ku yaal degmada Xamar jajab, kaasoo ah mid dowladdu leedahay oo dan guud.

Ganacsato iyo dad ka beec mushtara dhulalka ayuu duqa Muqdisho ahha guddoomiyaha gobolka Banaadir u saxiixay, waxaana jira heshiis uu qeyb ka yahay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo qeybta ugu badan ku leh dhulkaasi kuna yaal agagaarka dekadda Muqdisho, waxaana iska leh dhulkaasi wasaaradda waxbarashada iyo iskaashatooyinka oo qeyb ku leh, waxaana hadda uu ahaa garaash gaadiidka lagu sameeyo.

Dhulka Wasaaradda waxbarashada iyo iskaashatooyinka ee ku yaal Xamar jajab, agagaarka dekadda Muqdisho

Documentigii lagu bixiyay ee uu saxiixay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani iyo midkii lagu codsanayay oo aan helay ayaa muujinaayo in dhulkaasi uu gacanta dowladda ka baxay, laguna wareejiyay shaqsiyaad ka beec mushtara hantida qaranka, waxaana hadda la sheegayaa inuu beec yahay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa wuxuu horay ganacsato uu ka mid yahay  guddoomiyaha ganacsatada Bakaaro Xasan Mire iyo C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan uu ka iibiyay dhulkii Terabuunka oo ka koobnaa 128 boos, kaasoo horay caddeymahiisa usoo bandhignay, waxaana lacagtii lagu iibiyay lagu galay ololihii doorashada xildhibaanadii Galmudug iyo Hirshabeelle ee taageersanaa Xasan Sheekh iyo doorashadii Madaxweynenimo.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa in ay wax ka qabato boobka baahsan ee Duqa Muqdisho iyo Ganacsatada ku xiran ay kula xisaabtamaan dibna usoo celiyaan hantidii danta guud ee laga iibiyay ganacsatada daqligii kasoo baxayna lagu galay masuqmaasuqii doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu la dagaalamayo masuq waxaa laga sugayaa inuu caddaalada horkeno kuwa xatooyada ku caanbaxay, gobolka Banaadirna ku sameeyo isbadal bulshada gobolka u horseeda caddaalad.

Duqa Muqdisho ee xiligaan Yuusuf Boorsaani ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Guddoomiyihii ugu masuq maasuqa badnaa ee soo mara gobolka Banaadir Dowladdihii KMG, imago iibiyay inta badan dhulalkii danta guud iyo dhulal uu shaqsiyaad madaxweynihii hore amray in la siiyo u sharciyeeyay.

Cali Muxiyaddiin Cali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com  Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com