Muxuu Farmaajo kusoo arkay xabsiga dhexe ee Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia iyo Saraakiil ciidan, waxaana lasoo warinayaa in Madaxweynuhu uu mid mid u booqday qololka ku yaalla Xabsiga.

Madaxweynaha ayaa mudada uu ku guda jiray Booqashadiisa Xabsiga ku dhex arkay Maxaabiis kala duwan iyo Ciidamo aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Qaranka.

Madaxweynaha ayaa wareystay Maxaabiista qaar oo iyagu la sheegay inay u xiran yihiin danbi la’aan, waxaana wareysiyadaasi uga dhexbaxay macluumaad ku aadan sida ay u kala xiran yihiin Maxaabiista.

Waxa uu sidoo kale, Xabsiga ku arkay Ciidamo aan mushaar lasiin ku dhawaad 4 bil, waxa uuna Madaxweynuhu Ciidamada ka wareystay mushaarka ay qaatan iyo xiligii ugu danbeysay oo ay qaaten.

Farmaajo ayaa sheegay in muhiimada koowaad dowladiisa ay siin doonto horumarinta ciidamada iyo sidoo kale bixinta Mushaaraadkood.

Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliya la siin doonto qalab ay kaga qeyb qaataan horumarka dalka.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Asluubta ay qaadan doonaan Mushaar degdeg ah, wixii intaa ka danbeeya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in mudnaan gaara uu siin doono Ciidamada Qaranka iyo Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com