26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maxaa kamid ah caqabadaha ku hor-gudboon R/W Xasan Kheyre ?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa lagu wadaa inuu u guda galo xulista Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa fursad u heysta muddo ka yar 20 cisho inuu kusoo dhiso Golaha, oo ay ka dhex muuqan doonaan xubno hore iyo kuwo cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhismaha Golihiisa kadib looga fadhiyaa inuu soo bandhigo qorshaha Xukuumadiisa iyo Hanaanka ay ku shaqeyn doonto mudada ay jireyso.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa waxaa iminka horyaal Caqabado dhowr ah oo kaga imaanaya dhanka Beelaha oo iyaga loolan ugu jira helida Wasiirada ugu tayada badan.

Waxaa sidoo kale, jira Caqabado muuqda iyo kuwa aan muuqan ee jaangoynta siyaasada dalka ku leeyihiin Maamul Goboleeyada dalka ka jira oo wax badan loo arko in ay wax ku meel mari karaan raali ahaanshahooda.

Caqabada ugu weyn ayaa ah in Ra’isul wasaaraha uusan ka gudbikarin Xubno ay kala wataan Hogaamiyayaasha Maamulada oo iyagu doonaayo in loogu darro Golaha Wasiirada ee uu magacaabi doono Rw Kheyre.

Caqabadaha horyaal Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah qancinta xildhibaanada laga sugayo in ay ansixiyaan Wasiirada oo laftigooda la hadal haayo in ay xusul duub ugu jiraan ka muuqashada liiska Golaha Wasiirada cusub.

Sidoo kale, Caqabadaha adag ee horyaal Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa kamid noqon doona qancinta saaxiibo badan oo ku dhow Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaraaha, kuwaasi oo heysta balan qaadyo ah ka mid noqoshada Golaha Wasiirada, oo qaarkood laga yaabo in lala galay heshiisyo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaan la garan karin sida uu ku kala qancin doono Shaqsiyaadka dhowrka ah ee safka ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News