Xog: Magacyada xubnaha ku dhow Xasan Sheekh ee ka mid noqon doona wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay Golaha Shacabka si buuxda ay kalsoonida u siiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in rag ku dhowaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh loo badinayo inay ka soo muuqdaan Golaha Wasiirada ee xuluumada dhowaan uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Siihyaha wasiirka Aminiga Cabdirisaaq Cumar Maxamud ayaa la hadal hayaa inuu ku soo laaban doono wasiir buuxa’ Sidoo kale waxaa ka mid ah ragga Madaxweynihi hore ku dhowaa ee haatan Golaha Wasiirada Xukuumada Kheyre ka soo muuqan doona Sii haya wasiir Batroolka Maxamed Muqtaar

Mohamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Xildhibaan Aqalka sare islamarkaana ka dhashay Jufada Madaxweynihii hore Dowladii KMG ahayd Sheekh Shariif ayaa la sheegaya inuu ballanqaad wasiir helay, sida ay sheegeen dad isaga ku dhow.

Agaasime ku xigeenkii hore ee Madaxtooyo Dowladda Xasan Sheekh Xildhibaan Saadaq Cabdikariim oo ka dhashay jufada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa la hadal hayaa inuu noqon doono wasiir ama wasiir ku xigeen.

Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shadoor Xaaji islamarkaana aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa isaguna la sheegayaa in loo wado Wasiir Dowle si xilka uu hada ka hayo Madaxtooyo looga wareejiyo. Agaasimihi hore Cali Balcad haatan ah Xildhibaan ayaa lagu wadaa inuu noqdo Wasiirul Dowle.

Dhanka kale, Rag badan oo ka mid ah koooxdii Xasan Sheekh ayaa ku hungoobay damac galay inay xukuumada ka mid noqdaan, kuwaas oo qaarkood lagu sifeeyey feker urur diimeyd iyo qaar kale oo iyaguna lagu fogeeyey inay Olalahii Doorashadii looga guuleystay Xasan Sheekh lunsadeen lacagihii Olaha maadaama Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre uu kamid ahaa gudiga sare ee Olalahii Xasan Sheekh.

Tirada raggaan ku dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee lagu wado inay ka soo mid noqdaan Xukuumada cusub ayaa aad u yar marka loo fiiriyo tirada guud ee wasiirada Xukuumada cusub ka soo muuqan doona oo la sheegayo inay noqon doonto 30 wasiir, 30 Wasiir ku xigeen iyo 10 Wasiirul Dowle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ah nin lagu sheego inuu leeyahay aragti fog ayaa doonaya inuu soo dhiso xukuumad kooxaha Siyaasada dalka ay iska wada arkaan si guulo looga gaaro howlaha Xukuumadiisa hor yaala.

Ra’iisul wasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre ayaa si aad ah ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana magacaabistiisa kaalin weyn ku lahaa madaxweynaha, Faarax Cabdulqaadir iyo Fahad Yaasin, oo hadda ah nin go’aan weyn ku leh talada Soomaaliya, maadaama uu yahay qofka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Xogtan ayaa ah mid horudhac ah, waxaana la filayaa in isbeddelo ay yimaadaan, ayada oo dad badan ay loolan ugu jiraan inay wasiiro noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com