Caasimadda Online oo xog ku saabsan tirada golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay ayey aheyd markii la ansixiyey Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu soo jeediyey markii hore Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba waxaa durba bilaabatay ololaha loogu jiro jagooyinka wasiirada taasoo noqon doonto meesha ugu badan ee lagu hardamo sidoo kalana markii wasiirada lasoo magacaabo codka baarlamaanka uma heli doonaan  sidii uu Ra’isulwasaaraha u helay maadaama aysan jirin hal Xildhibaan oo diiday ama ka aamusay codka loo qaaday.

Haddaba caasimadda Online oo ah shabakad aad uga barateen inay idiin soo gudbiso xogaha qarsoon ayaa soo ogaatay tirada ay noqon doonaan wasiirada cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo asbuuca soo socdo.

Ra’isulwasare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonayaan inay si weyn u qanciyaan beelaha Soomaaliyeed waxayna doonayaan inay soo magacaabaan wasiiro tiro badan.

Wasiirada lasoo magacaabi doono ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay gaari doonaan ilaa 30 wasiir taaso ah tiro aad u badan marka loo eego wasiiradii lagu bartay Farmaajo xilligii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare.

Sidoo kale waxay midaas ka dhigan tahay in lasoo magacaabi doono ilaa 30 Wasiir ku xigeen halka Wasiirul Dowlayaasha ay noqdon doonaa ilaa 10.

Illi wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijinayo inay wasiiradaas kasoo muuqan doonaan xubno ka tirsanaa dowladii waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba waxaa laga warsugayaa go’aanka ugu dambeyn ay qaadan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com