26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: R/W Kheyre oo la-taliyihii Xasan Sheekh u magacaabay xil muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay shaqsiga noqon doono xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Maxamed Keynan Xirsi ayaa noqonaya Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha Cusub Xasan Cali Kheyre, waxaa uu bedelaya Abdusalam Salwe oo lasoo shaqeeyay Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Keynaan ayaa ahaan jiray la taliyihii madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Keynaan ayaa hada ahaa Afhayeenkii guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wareegtadaan ayaa imaaneyso maalmo yar kadib marki ay Baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad leh u ansixiyeen Xasan Cali Kheyre.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah, sawriada hoosana waa Keynaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News