Warbixin: Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland iyo kala soocda bulshada

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa waxay noqotey meel aan loo sineyn sidoo kale halkii laga sugayey inay bulshada isu keento noqoto madal u dhaxeysa ayaa waxaa laga dhigey meel dad gaar ah ku danaystaan(NGO) Safaaradda iyo hawl wadeenadeeda ayaa mar walba oo xaalad jirto waxay kala qaybiyaan dad yar oo aan gaarin kun qofood oo ku wada nool gobolka Geneva ee safaaraddu ku taal.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland ayaa aad u saluugey hannaanka shaqo iyo habsami u socodkooda, iyadoo aysan la yaab lahayn in qof kasta oo masuul ah oo Soomaali ah ku tagrifalo awoodda iyo xilka loo dhiibo, haddana meeshii cir laga sugaayey ceeryaama ka timid.

Dadweynaha reer Switzerland iyo dhammaan qurba joogta ayaa taageero u muujiyey dowladda cusub iyo soo dhaweynteeda, balse safaaradda ayaa damacday inay dadkii ku kala qaybiso hab qabyaaladeysan.

Ururada bulshada iyo qaybo ka mid ah dadka ugu caansan ee magaalada Geneva ayaa u direy casuumad xaflad la qabanayo 11.03. 2017 Safaaradda halkii laga sugayey inay ka soo qaybgasho, iyadii ayaa billowdey inay Xaflad kale ku garab waddo iyagoo dadka lacag kaga uruursanaya.

Arrintan ayaa keentey in bulshadii ku kala qaybsanto, dad doonaya inay hal dowlad taageeraan iyo hoggaankooda oo isku ujeeddo ahna waxaa sababay inay kala qaybsamaan Safaaradda iyo hawlwadeenadeeda, Safaaradda ayaa hore loogu eedeeyey inay Jaaliyaddii hore u dhisnayd faragelin ku samaysay oo ay magacaabatey dad gaar ah arrintaas oo xitaa ay ka biyo diideen, Maamulka Gobolka Geneva ee dowladda Switzerland oo sheegay inay tahay arrin hoosaad dadka ku dhaqan gobolka ee aysan quseynin Safaarad iyo arrimaha dibadda.

Dowladdii hore ayaa dadweynaha reer Geneva iyo kuwa degan Switzerland u gudbiyeen dacwad ka dhan ah safaaradda iyo habdhaqankeeda, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka gaabsatay.

Haddana waxaad moodaa inaan waxba is bedelin oo meeshii la rabay dadka abbaaruhu saameeyeen in wax loogu uruuriyo aya waxaa faragelin ba’an ku qabtay Safaaraddii oo is hortaagtay iyadoo dadkii kala jabisay, qabyaalad iyo nacaybna kala dhex dhigtay.

Soomaalida ayaa maanta waxaa la rabay in laysu soo jiido oo madaxda dalka joogta iyo kuwa dibadduba ka shaqeeyaan sidey loo midayn lahaa, waxaase la yaab noqotey inay weli jiraan kooxa raba inay shacabka nacayb iyo kala fogaansho dhex dhigaan.

11.03. 2017 Ka ayaa waxaa cod dheer loogu sheegi doonaa Madaxda dalka Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha hawsha ay safaaraddu ka hayso halkan iyo hannaan xumada, waayo waxaad qarsataaba waa ku qarsadaan.

Xilka dadweynaha in loo adeego ayaa masuuliyiintu u hayaan, balse maaha in looga danaysto ama lagu dibindaabyeeyo. Ugu dambayn bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka switzerland waxaan ugu baaqayaa inay ka baxaan dadka weli maskaxdooda ay ka dhex guuxeyso kala dilka iyo kala fogeynta umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Qurba joogta Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir

W/Q: Yaasiin Xaaji Baraake
Geneva , Switzerland