Obama waa madaxweynihii ugu saboolsanaa oo isagoo deyn lagu leeyahay xilka ka dago (Sabab)

Washington (Caasimadda Online) – Brack Obama oo dhawaan xilka madaxweynimo ee America ku wareejiyey madaxweynaha adduunka qasay ee Donald Trump ayaa waxaa laga soo daabacay warbixin cusub oo kasoo baxday Aqalka cad ee looga arrimiyo wadankaas.

Madaxweyne Brack Obama ayaa la sheegay inuu xilka madaxweynimo ee Mareekanka ka dagay isagoo heysta Adduunka lacageed oo gaarayo ilaa 7 Malyan oo lacagta Dollarka ah iyo hal guriga oo uu deyn kusoo qaatay oo uusan weli lacagtiisa bixin.

Obama guriga uu iibsaday wuxuu ku yaalaa Magaalada Chicago waxaana xusid mudan inuu ka qaatay Bank markii hore ayna ku heshiiyeen inuu 30 sano ku bixiyo lacagta guriga wuxuuna bankiga saartay lacag faa’ido ah oo gaareyso ilaa 5.62 Dolar Boqolkiiba.

Si loola xisaabtamo madaxweynaha haddii uu lunsado lacag ayaa waxaa warbixin  maaliyadeed soo saartay Aqalka Cad ee Mareykanka waxaana lagu xusay in  Obama iyo xaaskiisa Michelle ay haystaan hanti maaliyadeed oo lagu qiyaasay inta u dhexeysa 1.8 Milyan illaa 7 Milyan oo Dolarka Mareykanka ah, waxaana lacagtaas ku jira qiimaha guri keliya oo uu Obama leeyahay, qiimihiisana lagu qiyaasay Hal Milyan oo Dolar oo uu bixinteeda dhameystiri doono 30 sano gudahood.

Markasta oo uu madaxweyne xilka ka dago waxaa caado u ah aqalka cad inuu soo saaro warbixin ka hadleyso hantida uu heysto madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday si loola socdo dhaqaaqiisa dhaqaale waxaana lagu sheegay in Obama Guriga uu leeyahay uu yahay guri uu deyn ahaan kaga qaatay mid ka mid ah bangiyada guryaha dhisa ee sii iibiya, wuxuuna gurigaan deynsaday markii uu dhowr sano madaxweyne ka ahaa dalka Mareykanka.

Sida nadaamka iyo sharciga yahay marka uu aqalka cad diyaariyo waraaq maaliyadeedkaas waxaa la hordhigaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday sidaas ayaana Obama markii hore loogu geeyey wuuna saxiixay kadibna waxaa lala wadaagay saxaafadda iyo hey’adaha dowliga ah si loo ogaado hantida uu leeyahay madaxweynaha.

Ujeedka kale ee laga leeyahay waraaqdaas ayaa ah in la ogaado haddii uu madaxweynaha hanta si hoose u lunsaday waxaana midaas lagu ogaan doono haddii madaxweynaha la ogaado inuu leeyahay hanta intaan ka badan isagoo aan weli qaban wax shaqo iyo howlo ay dhakhli kasoo geli karto.

Markii waraaqdaan lasoo saaray kadib ayaa la ogaaday inuu Obama uu ka dhaqaalo yar yar kumanaan dad oo u dhashay Mareekanka marka la fiiriyo hantidaan aadka u yar oo uu leyahay.

Sidoo kale Obama ayaa kamid noqon doono liiska  madaxda dunida ugu faqiirsanayd markii ay xilka ka dageen, waxaana warbixintaan lagu xusay in sanduuqa hawlgabka ee qofku marka uu shaqada ka fariisto lacagta Bisilka loo yaqaanno laga siiyo ay Obama iyo afadiisa ugu jirto lacag u dhexeysa 100 kun oo Dolar illaa 250 kun oo Dolar.

Dhanka kale waraaqdaan   waxaa lagu soo bandhigay hantida uu heysto madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo lagu shegay inay gaareyso 120 – 550 Kun oo  dollar weliba dhammaanteedna ay tahay Naqad u yaalla Akoono bangiyo maalgashi, iyo caymisyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com