Mareykanka oo shaaciyay dhinacyada uu kala shaqeyn doono madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonto DFS ka hortaga musuq-maasuqa hareeyay Xarumaha shaqo ee Dowladda.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu xusay in marka hore ay soo dhaweynayaan dadaalada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhisaayo Dowladiisa cusub.

Waxaa sidoo kale, Qoraalka lagu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay in DFS ka taageero xoojinta amaanka magaalada Muqdisho, oo ah halka ugu badan oo ay ka dhacaan falalka amni darro.

Mareykanka ayaa ugu danbeyn shaaciyay in ay sii wadi doonaan wada shaqeynta xoogan ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haysta dhalashada dalka Mareykanka, wuxuuna muddo ku noolaa kana shaqeyn jiray magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com