Xog-warran: Dadaallada Xasan Sheekh ee Villa Somalia iyo kaalinta Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu dhex arkayey isagoo ku sugan xarunta soomaaliya looga arrimiyo ee madaxtooyada .

Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan iyo dabagal ku sameysay sababta ka dambeyso inuu Xasan ka dhex bixi waayo madaxtooyada, inkasta oo uu degan yahay guri ku dhow madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa Soomaaliya ayaa ka shaqeenayo sidii dowladda Turkiga ay usii maamuli laheyd dakadda Muqdisho oo la siiyey wax soo saarkeeda 55% iyadoo ku sameysay dayactir iyo hormar weyn.

Haddaba dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha iyo kooxdiisii Damul Jadiid casho sharaf loogu sameeyey safaaradda Turkiga ee Muqdisho waxaana markaas laga codsaday inuu madaxweynaxha kasii shaqeeyo sidii ay usii maamuli lahaayeen Dakadda Muqdisho iyo meelaha kale ee lagu wareejiyey.

Sidaas darteed Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bilaabay inuu sameeyo waxyaabihii laga codsaday wuxuuna maalmihii ugu dambeeyey kulamo la lahaa madaxweynaha Soomaaliya isagoo ka codsaday inaan laga noqon go’aanka Turkiga loogu wareejiyey dakadda Soomaaliya.

Lama ogo ilaa hadda sida madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ugu suurtageli karto arrintaan waxaana la sheegayaa inuu xusul duub weyn ugu jiro arrintaas.

Waxaa jiro laaluush lacageed oo ay bixiso Turkiga si ay usoo heystaan dakadda Muqdisho waxaana la sheegayaa inay dhiibaan 15%.

Waxaan goor dhaw idinla wadaagi doonaa warbixin kale oo ka hadleyso qaabka Dakadda Lacagteeda loo qeybsado iyo cidda qaadato hadduu Alle Idmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com